Valmyndigheten

Waa maxay doorashadani?

Axadda 13 Sebtembar 2026 waxaa la qabanayaa doorashooyinka baarlamaanka, golayaasha gobolka iyo degmooyinka ee Sweden. Kuraasta baarlamaanka, golayaasha gobolka iyo degmooyinka waxaa lagu qaybiyaa sida adiga iyo dadka kaleba u codeeysaan.

  • Baarlamaanku wuxuu go’aamiyaa sharciyada khuseeya guud ahaan dalka Sweden.
  • Golaha gobolku wuxuu go’aamiyaa arrimo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo gaadiidka dadweynaha.
  • Golaha degmadu wuxuu go’aamiyaa arrimo ay ka mid yihiin dugsiyada iyo daryeelka waayeelka.

Goorma iyo halkee ayaan ka codayn karaa?

Laga bilaabo 26 Agoosto ilaa 13 Sebtembar waxaad samayn kartaa codbixinta waqtiga hore. Waxaad ka codayn kartaa goob kasta oo codbixinta waqtiga hore loogu talogalay oo dalka oo dhan ah. Maalinta doorashada waxaad ka codayn kartaa goobta ku qoran kaarkaaga codbixinta. Macluumaadka dhammaan goobaha codbixinta waxaad ka heli kartaa val.se.

Ma ka codayn karaa dibedda?

Haddii aad dibedda joogto waxaad samayn kartaa codbixin boosto ah ama codbixinta waqtiga hore oo ka dhacda safaaradaha iyo qunsuliyadaha Iswiidhan. Waxaad u baahan tahay agab gaar ah oo codbixin boosto ah oo laga dalban karo Hay’adda doorashooyinka (Valmyndigheten), degmada, safaaradaha ama qunsuliyadaha.

Dadka dibadda ka codeynaya waxay codka boosto ku diri karaan ugu horreyn 30 Luulyo. Waxaad safaarad ama qunsuliyad ka codayn kartaa ugu horreyn 20 Agoosto.

Haddii aad tahay muwaadin Iswiidish ah oo dibadda ku nool (oo aan gudaha Iswiidhan ka diiwaan gashanayn) waxaa boosto laguugu soo diri doonaa agabka codbixinta warqadda ah iyo kaarka codbixinta dibedda haddii cinwaanka aad daggan tahay uu ka diiwaan gashan yahay Hay’adda canshuuraha (Skatteverket). Haddii aad leedahay sanduuq boosto oo dhijitaal ah wuxuu kaarka codbixinta dibeddu kuugu soo dhacayaa dhijitaal iyo warqad ahaan labadaba.

Doorashooyinkee ayaan xaq u leeyahay inaan codeeyo?

Kaarkaaga codbixinta waxa ku qoran doorashooyinka aad xaqa u leedahay inaad codayso. Kaarkaaga codayntu wuxuu kuugu soo dhacayaa sanduuqaaga boosto ee dhijitaalka ah ama warqad ahaan ayuu kuugu soo dhacayaa boostada.

Waxaad leedahay xaqa codaynta doorashada baarlamaanka haddii aad tahay

  • 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada,
  • aad tahay muwaadin Swedish ah iyo
  • in aad deggen tahay ama hore ugu deggenayd Iswiidhan.

Haddii aad dibedda u guurtay oo aadan ka diiwaangashanayn Iswiidhan, waa inaad iska diiwaangelisaa diiwaanka cod-bixiyeyaasha tobankii sano mar si aad Hay’adda Doorashooyinka uga hesho kaarka cod-bixinta dibadda iyo qalabka cod-bixinta.

Waxaad leedahay xaqa codaynta doorashooyinka gobolka iyo degmada haddii:

  • aad tahay 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada,
  • aad tahay muwaadin Iswiidhish ah oo aad deggen tahay degmada iyo gobolka

ama

  • aad tahay muwaadin EU, Island, Norway oo aad ku qoran tahay degmada iyo gobolka

ama

  • Muwaadin dal kale oo aan ka mid ahayn dalalka kor lagu xusay, ama ah wadan laawe (statslös), isla markaana ka diiwaangashanaa Iswiidhan saddexdii sano ee ugu dambeysay ka hor maalinta doorashada, isla markaana hadda ka diiwaangashan degmada ama gobolka.

Maxaan u baahanahay inaan wato?

Waxaad u baahan tahay aqoonsi (ID). Haddii aadan haysan aqoonsi Shaqaalaha codbixintuna aysan ku garanayn, qof kale ayaa xaqiijin kara aqoonsigaaga isagoo muujinaya aqoonsigiisa. Waraaqaha codbixinta iyo baqshadaha codbixintu waxay yaalliin dhammaan goobaha codbixinta.

Sideen u codeeyaa?

Goobta codbixinta waxaad ka helaysaa waraaqaha codbixinta ee doorashooyinka kala duwan. Waxaad qaadanaysaa hal waraaq codbixin doorasho kasta. Waraaqaha codbixintu waxay leeyihiin midabbo kala duwan.

Waraaqaha codbixintu waa:

  • jaallaha; doorashada golaha baarlamaanka
  • buluugga; doorashooyinka golaha gobolka
  • caddaan; doorashooyinka golaha degmada.

Waraaqaha codbixintu waxay yaalliin dhammaan goobaha codbixinta..

U codee xisbi

Mar walba waxaad u codeynaysaa xisbi. Magaca xisbigu wuxuu ku qoran yahay waraaqda codbixinta. Haddii aadan helin waraaqda xisbiga aad rabto, waxaad ku qori kartaa magaca xisbiga waraaq madhan. Waraaqda codbixinta ee madhan waa waraaq aan lahayn magac xisbi.

U codee qof

Haddii aad rabto inaad u codeyso mid ka mid ah musharraxiinta xisbiga waxaad calaamad ku samayn kartaa magaca musharraxa hortiisa. Waxaad kaliya calaamadeyn kartaa hal musharrax. Waxaad sidoo kale u codeyn kartaa qof adigoo ku qoraya magaca xisbiga iyo magaca musharraxa warqad cod-bixin oo madhan.

Waa inaad kaligaa noqotaa markaad qaadanayso warqadaha cod-bixinta iyo marka aad daaha gadaashiisa ku diyaarsanayso codkaaga. Codkaagu waa qarsoodi.

Ma heli karaa caawimaad marka aan codaynayo?

Haddii aad tahay naafo ama aad sababo kale ugu baahan tahay caawimaad, shaqaalaha codbixinta ayaa ku caawin kara. Shaqaalaha codbixinta waxaa saaran waajibka sir ilaalinta oo qofna uma sheegi karaan cidda aad u codaysay. Waxaad sidoo kale caawin ka heli kartaa qof kale markaas waa in shaqaale codbixin uu idin la joogaa.

Macluumaad ku saabsan helitaanka iyo u-fududeynta goobaha cod-bixinta waxaa laga heli karaa val.se. Waxa kale oo aad la xiriiri kartaa degmadaada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in qalabka caawinta laga heli karo goobtaada cod-bixinta.

Haddii aad u baahan tahay qalab farta indhoolayaasha, waxaad ka dalban kartaa Hay’adda Doorashooyinka.

Sideen u codayn karaa haddii aanan imaan karin goobta?

Haddii ay kugu adkaato inaad tagto goobta cod-bixinta sababo la xiriira tusaale ahaan naafonimo, waxaa ku caawin kara wakiil oo codkaaga geynaya goobta cod-bixinta. Si aad codkaaga wakiil ugu dhiibato, waxaad u baahan tahay qalab gaar ah oo aad ka dalban karto degmadaada ama Hay’adda Doorashooyinka.

Waxa kale oo aad caawin ka heli kartaa shaqaalaha codadka qabta oo kuu imanaya si ay u qaadaan codkaaga; tan waxaa loo yaqaannaa cod-qaadista wareegta. La xiriir degmadaada si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Macluumaad ku saabsan sida aad u codeyn karto adigoo adeegsanaya wakiil ama cod-qaadista wareegta waxaad ka heli kartaa val.se iyo degmadaada.

Sök